Ciidamada Kenya oo burburiyey Xaruntii 5aad Shirkadda Hormuud (Sawirro)

Wararka Maanta

Ciidamada Kenya ayaa xalay saqdhexe burburiyey ateenada shirkada isgaarsiinta Hormuud ku leedahay tuulada Calibuley oo hoostaga Dhoobley gobolka Jubbada Hoose, Waa xaruntii 5aad oo ciidamada Kenya gubaan muddo sanad ka yar.

Ciidamada Kenya ayaa beegsada ateenooyinka shirkada Hormuud ku leedahay deegaanada ku teedsan xadka Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale Kenya ayaa duqeyn la beegsata goobaha Shacabka gobolkada Jubooyinka iyo Gedo.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin tacdiga lagu hayo hantida Shacabka Soomaaliyeed, dhawaan ayey aheyd markii magaalada Muqdisho ku shireen saamileyda Shirka Hormuud iyagoo dowladda ka codsaday in ay tacdiga ciidamada kenya wax ka qabta. ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya ku jooga Magaca AMISOM.

Sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka ayaa dhawaan sheegay in ciidanka kenya ay haween Soomaaliyeed ku kufsadeen gobolka Gedo. arintaas oo an wali wax talaabo ah laga qaadin.