Dhaqan galka Amaro kasoo baxay Wasaaradda Amniga oo Maanta lasugayo

Uncategorized Wararka Maanta

Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa 30/11/2017 Soo saartay amaro Cusub oo ay sheeegtay in wax looga qabanayo Amniga Magaalada Muqdisho.Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaalle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aan la fulin Amaro horay Golaha Wasiiradu u soo saareen taasna aysan ahayn wax la aqbali karo iyo Tilaabooyin cusub oo uu sheegay in Xasiloonida Muqdisho lid ku yihiin.

Amarada Maanta laga war sugayo inay Muqdisho ka dhaqan galaan waxa kamid ah.

1-In aan Masuuliyiinta Dowladda Sida Wasiiradda iyo Xildhibaanada  loo ogolayn Adeegsiga Hub ama qori ka wayn AK47 oo aan ka badnayn Afar iyo Waardiyaal afar ah iyo in ilaalada Masuuliyiinta Dowladdu Xirtaan Dariiis ama labis u gaar ah oo  lagu aqoonsado Ayadoo aan la qaadan karin Labiska Milatariga.Amarkaan horay ayay u soo saareen Golaha Wasiiradu waxaana aqbalay oo Dhaqan galiyay qaar kamida Masuuliyiinta balse si buuxda loogama dhaqan galin Muqdisho Maanta ayaana markale la sugayaa siduu u fulo.

2-Wasaaradda Amniga ayaa shgeegtay in Ciidamada jooga goobaha dadka iyo Gadiidka lagu baaro qaar ay Gaadiidka ka qaadan Lacago baad ah oo an Sharci ahayn laga bilaabo maantana aan la aqbali doonin. Wasiirka Amniga ayaa Sheegay in Askarigii  lagu arko iyo koontaroolkii lagu arko tilaabo Sharci ah laga qaadi doono.Dhangalka Amarkan ayaa maanta la sugayaa oo haduu suuragalo galo wax ka badali kara Amniga  Caasimadda.

3-Amarka Sadexaad ee Maanta inu dhaqan galo Wasaaraddu doonayso ayaa ah mid Jahwareer dhalin kara iyo Qal Qal Amni waana in Wasaaraddu Doonayso inaan Hotelada Muqdisho  lagu qaban karin Shir aysan Wasaaraddu Fasixin waxayna sheegtay inaan Wax Shir ah oo aan Fasax buuxa ka haysan ayaga lagu qaban karin mid kamid ah Hotelada Muqdisho Milkiilayaasha ayaana loo sheegay in tilaabo laga qaadayo haday Fulin waayaan Amarkaan.Muqdisho waxaa lagu qabtaa Shirar Dowladda  lagu Mucaaradayo Hotelada ayaa Macaash xoogan ka hela marti galinta Shirarka nuucaas ah waxaana ku adkaan doonta inay joojiyaan.sidoo kale Mucaaradka Dowladda ayaan tilaabadan soo dhawayn doonin.

4-Amarka ugu danbeeya oo ay wasaaraddu doonayso in maanta la dhaqan galiyo ayaa ah in Waraahintu aysan Tabin karin  Warar aan Xaqiiqda ku salays nayn ayadoo doonaysa Baahinta Wararka qaar in Wasaaradda fasax looga helo. Wasiir Islow ayaa Xusay in warbaahinta  qaar baahiyaan Warar been abuur ah oo Amniga Caasimadda wax u dhimaya aana maanta kadib la aqbali doodin.Amarkaan ayaana noqon kara Caqabad hor leh oo kuso korarta Xuriyadda Saxaafadda Muqdisho

Ceelhuur.com

Ceelhuuronline