Deg deg:Diyaarad sida Shariif Sakiin iyo C/kariim Guuleed oo kismaayo ka dagtay

Wararka Maanta

Diyaarad sida Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofur Galbeed C/kariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhow ka degtay magaalada Kismaayo, iyadoo toos uga timid magaalada Nairobi.

Wafdigan ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa waxaa qeyb ka illaa sodomeeyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka  dowladda Federaalka ah, waxaana garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenada Jubbaland.

Sida wararku sheegayaan diyaaradan oo la sheegay inay soo iibsatay Maamulka Jubbaland ayaa loogu tala galay inay soo qaado wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaddib markii dowladda Federaalka ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha rayidka in aysan qaadi karin siyaasiyiinta aadaya Kismaayo.

Arrintan ayaa ah mid xeelad oo uu ciyaaray Maamulka Jubbaland oo ku aadan si walba oo ku suurta geli karto inay ku dhacdo xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay wafuud kala duwan ka degaan Kismaayo, si ay uga qeyb galaan Xaflada Caleema saarka

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socota xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado inay dhacdo 9-ka bishan oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee soo socoto.