Dagaal ka socda degmada Xeraale Gobolka Galgaduud

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus halkaas ku dhexmarayo ciidan deegaanka iyo kuwa Ahlu sunna.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalkan yimid kadib markii lagu guuldareystay waanwaan laga dhexwaday labada ciidan oo muddo halkaas isku hor fadhiyey.

Inta badan dadka rayidka ah ayaa horey uga barakacay magaalada, xog rasmi ah lagama hayo khasaaraha dagaalka, wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com.