Daacish Oo U Hanjabtay Dagaallamayaasha Al-shabaab

Wararka Maanta

Wargeyska Al  Naba ee ku hadla afka Ururka Daacish ayaa lagu daabacay qoraal markii ugu horresay si rasmi ah looga hadlayo dagaalka u dhaxeeya  Daacish iyo Al-shabaab.

Al Naba,waxaa ay daabacday xubno hore oo ka goostay Al-shabaab kuna biiray Daacish,kuwaas oo ay markii dambe dileen Al-shabaab.

Qoraalka ayaa lagu yiri “ waxaan diiwaangelinay dambiyada ka dhanka ah xubnaheena, ma sameynin  aargudasho,nagamana aha tag darri ee waxaan dooneynaa in dadka  aan barno,waxa ay  sameynayaan Garabka Al-Qaacidda ee Soomaaliya, jawaabta Ururka Daacish waa ay soo socotaa”.

Wargeyska Long War Journal oo soo xiganaya Wargeyska Afk Daacish wax ku qora ee Al Naba ayaa sidoo kale daabacay qaar ka mid ah magacyada xubno ka mid ahaa Daacish oo ay Al-shabaab dileen,waxaana ka mid ahaa; Bashir Abu Numan, Hussein Abdi Gedi, Muhammad Makkawi, iyo  Abdul Wadud. Abu Numan.

Daacish waxaa ay sheegtay in xubnahaas  qaarkood ay AL-shabaab dileen iyaga oo ka xun in ay iyaga ka goosteen kaddibna ku biireen Daacish,waxaana Ragga la dilay ka mid ah  Abdul Wadud Abu Numan, oo la dilay November 2015kii.

Al-Naba dhacdooyinka ugu dambeeyay ee ay diiwaangelisay waxaa ka mid ah qof ajanabi ah kuna hadla afka Sawaaxiliga oo ay sheegeen Al-shabaab in ay xireen,lana jir dilay sidoo kale waxaa Al-Naba ay baahisay magacyada dad qaraabo la ah xubnaha Daacish ku jira oo intooda badan la dilay ama la xiray.

Wargeyska Al Naba ayaa sidoo kale sheegay in Garabyada Daacish ee dalalka Ciraaq, Syria, Yemen, Khurasan, Libya, iyo Somalia ay isku xiranyihiin.

 

Isha: Longwarjournal/ Al Naba.