Curis:Quustaa ma quuto! W/Q:sha.Roraye

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Waa maalin axad ah taariikhduna ay ku beegan tahay 1 Ogosto 2027 ka, waxaan ku sugnahay dhisme dheer oo 300 oo biyaano ka kooban oo ku yaala agagaarka deegaanka Jaziira,

waa xarunta Ganacsiga aduunka,
waxay cidhifka ku haysa madaxtooyada qaranka oo 8 sano ka hor sanadii 2019kii laga soo raray xaruntii hore ee bartamaha Magaalada muqdisho, sababo la xariira cariiri iyo magaalada oo aad u kortay,

waxay hada ku taalaa inta u dhaxaysa Jaziira iyo deegaanka kaxda, Waxaa xafiiskiisa igu casuumay Saaxiibkay Bashir oo ah gudoomiyaha xarunta gamacsiga aduunka,

Bashiir waa saaxiib aan aad isugu dheernahay waxaan isla lafa gurnay xaalada Dalka Soomaaliya uu maantay marayo, iyo sidii aynu ahayn 10 sano ka hor 2017 kii, bari aynu ku wada noolayn dal aan dalkeena ahayn,

Sheeko dheer ka dib Bashiir wuxuu ii dhiibay buug Cilmi baadhis ah oo ay soo saartay xarunta Cilmi Baarista Qaranka, kuna saabsan (saamaynta dagaaladii jaziirada carabtu ay ku yeesheen korarka dhaqaalaha afrika), waa buug aan aad u xiisaynayay in aan akhtiyo,

Waxaan durba bilownay in aan rogrogno baalasha buuga, waxaan indhaha ku wada dhufanay sadaro si qoto dheer u qeexayay dagaaladii shan san ka hor ka dhacay bariga dhexe, dagaaladaas oo dhex maray dalal aynu rafiiq ahaan jirnay oo muruq iyo awood is biday, waa dalalka KSA (Sacuudi) iyo UAE (Imaaraadka) oo dhinac ah iyo Iiraan oo dhinca kale ah, dagaaladaas oo sababay in ay xarunta ganacsiga aduunka oo barigaa ahayd Dubai u soo guurto Soomaaliya,

Xaruntaan aynu hada ku suganahay aniga iyo Gudoomiye Bashiir waxaa laga maamulaa isu socodka badeecooyinka ganacsi ee isaga goosha caalamka oo dhan,

waxay kow ka tahay saamays ka wanaagsan ee dagaalkaasi ku yeeshay dhaqaalaha afrika gaar ahaan Soomaaliya,

waynu isu qosolna inagoo xasuusanayna sida ay Sacuudi iyo Imaaraad inoola dhaqmi jireen xiligii aynu xoolaha ahayn,

Akhriskii buuga ayaynu hakinay,
Waxaan is waydiinay sida ay ku dhacday meesha aynu maantay joogno, iyo rajo xumadii inagu rarnayd 10 sano ka hor,

Waxaan is tusinay wadadii sahlanayd ee aynu sida fudud ku helnay kuna soo gaarnay in aynu noqono dalalka caalamka ugu dhaqaalaga sareeya mid ka mid ah isla markaana ah dalka afrika ugu dhaqaalaha badan,

Farxad iyo rayran ka dib waxaan soo gocday safar aan rabay in aan ku tago tuulo xeebeed ku taala gobalka Mudug oo ah xarunta lagu sameeyay dayax gacmeedkii ugu horeeyay ee Afrika ee hadawa lala hawaysto, kaas oo loo bixiyay (Burco 12), oo 5, Sibteembar 2027 qorshuhu yahay in hawada loo diro, waxaan ka codsaday saaxiibkay in uu xaflada dhacdadaas qiimaha leh goobjoog ka ahaado, wuuna iga ogolaaday,

Inagoo aad ugu faraxsan horumarka xawliga ah ee Dalkeenu uu ku talaabsanayo, ayaa waxa aan ka war helay  Xashi iyo Walaayo oo i dul taagan iguna haya waryaa Roraye kac, maxaad taleefanka inoogu dhagaysatay? saw kuma aynaan balansanayn in aan ka qayb galno xafladii sagootinta Hawoo Muqdisho u laaban rabta?

Shaw wuxuba Riyo ayay ahaayeen!

Hadii aan indhala kala furay iga wale waxaan dul bilqanahay sariirtaydii taalay xaafad ka mid ah Kampala Uganda, Sanaduna waa 2017kii, meel xun fadhi war maxaad iiga kiciseen hurdadaydii ayaa ka dhacday.

Qalinkii Sha.Roraye

Kampala/Ugand

Sha.roraye7@hotmail.com

Sha.roraye@hotmail.com