Chelsea Oo £ 71m U Soo Bandhigaysa Atletico Madrid Si Ay U Hesho Saul Niguez

Ciyaaraha

Chelsea ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso inay rikoorkeeda suuqa kala iibsiga ku qarash gareyso 71 milyan ginni oo ay ku dooneyso xidiga  khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid Saul Niguez.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa dhaliyay hal gool isagoo caawiye ka ahaa gool kale xilli ciyaareedkan, tababaraha Blues Antonio Conte ayaana doonaya inuu Niguez uu ka qeyb dhigo kooxdiisa.

Warbixin kasoo baxday Don Balon ayaa sheegeysa in tababaraha Atletico Diego Simeone uusan qorsheyneynin inuu 22 jirkaan ka tago kooxda.

Niguez ayaa cusbooneysiiyay qandaraaska uu kula joogo Wanda Metropolitano xagaagan, waxaana haatan uu heysta qandaraas lagu burburin karo £ 134m, taasoo kooxda reer Spain rajeyneyso inay meel iska dhigto xiisaha naadiga Stamford Bridge.

Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata ayaa noqday saxiixii ugu qaalisanaa ee xagaagan  markii uu ka yimid kooxda ay xafiiltamaan ee Atletico Madrid iyadoo lagu soo iibsaday 60 milyan oo ginni.

Blues ayaa ku dhowaad 200 milyan oo ginni ku qarashgareysay suuqa kala iibsiga iyadoo lala xiriirinayo weeraryahano cusub oo ay ka mid yihiin ciyaaryahankii hore ee Monaco Tiemoue Bakayoko .