Rooble oo u jawaabay Farmaajo (Aqriso)

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo […]

Continue Reading

MD Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo Kusimaha HNSQ

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo Kusimaha HNSQ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan; Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda […]

Continue Reading

Dagaal ka dhacay Camaara

Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay saaka Aroortii Alshabaab ku qaadeen magaalada Camaara ee gobolka Mudug. Weerarkan ayaa ku bilowday qarax gaari ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhig ciidamada Dowladda, waxaana kadib xigay dagaal culus. Dagaalka ugu culus ayaa ka dhacay kalabeyrka oo ah isgoys muhiim oo isku xira Camaara, Bacaadweyne iyo Sirgo. […]

Continue Reading

Loolanka Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa kusoo qulqulaya Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, Shalay waa halkaas gaaray Madaxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, sidoo kale maanta waxaa tagay Dhuusamareeb Gudoomiye ku xigeenka 1aad Aqalka Sare Sanator Abshir Bukhaari. Guddoonka Barlamaanka Galmudug ayaa maanta magacaabay 12 Xildhibaan oo ah guddiga maamulaya doorashada Aqalka Sare, […]

Continue Reading

Dagaalka Koofurta gobolka Mudug

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo daraawiishta Galmudug ayaa saaka barqadii dagaal ku qaaday fadhiisimo ay Ururka Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Qodqod oo u dhaxeeya Sirgo iyo Camaara koofurta gobolka Mudug, Ciidamada ayaa duhurkii la wareegay difaacyadii ay Alshabaab ku lahaayeen halkaas. Ujeedada Gulufka ayaa ahaa sidii Ciidamada isgarabsanaya ula wareegi lahaayeen Magaalada Camaara oo ah magaalo […]

Continue Reading

RW Rooble oo soo dhaweeyey Jadwalka Doorashada Xildhibaanada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay jadwalka hannaanka doorashooyinka labada aqal ee BFS ee uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT. “Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso […]

Continue Reading