Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo la soo wareegtay furaha internetka (.SO)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madax banaan Dowladda, balse wixii hadda ka dambeeya lagu soo wareejiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka ah maamulka Astaanta qaranka sida uu qorayo qodobka 54aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Qeybta hore ee […]

Continue Reading

RW Kheyre oo la kulmay Wasiir ku xigeenka A.Dibadda Maraykanka

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Mareykanka John Sullivan. Kulanka oo ka dhacay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal,horumarka iskaashiga,dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Argagixisada. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa boggeeda Twitter-ka ku shaacisay kulanka dhexmaray […]

Continue Reading

Marwada 1-aad ee dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

Marwada 1-aad ee Dalka Saynab Cabdi Macallim ayaa maanta hambalyo ku aadan Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa ugu hambalyeysay Haweenka Soomaaliyeed xuska Maalinta 8-da Maaarso, waxayna dhambaalkeeda ku tiri: “Gabdhaha Soomaaliyeed waxaan idin leeyahay Hambalyo Hambalyo meel kasta oo aad […]

Continue Reading

Jarmalka oo 50 Milyan ugu deeqay Soomaaliya

Lacagtan 50-milyan Geni ee Dowladda Jarmalka ay ugu deeqday Soomaaliya ayaa loogu talagalay in wax loogu qabto dadka ku nool 14-degmo oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Gedo,waxaana si gaar ah loogula tacaalayaa Xaaladaha nafaqo darro ee heysata Hooyada iyo Dhallaanka. Safiirka Dowladda Jarmalka ee  Soomaaliya H.E.JUTTA FRASCH, ayaa Sheegtay in kaalmada mashruucan Loogu […]

Continue Reading

8-Maarso oo maanta laga xusayo Soomaaliya

Munaasabado lagu xausayo maalinta Haweenka Aduunka ee 8-Maarso ayaa maanta lagu wadaa iney ka dhacaan meelo badan oo ka mid ah Gobolada dalka oo ay ka mid tahay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Munaasabadaha ayaa ah mid lagu weyneynayo maalintan 8-Maarso oo ah maalin ku weyn Haweenka Aduunka gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed oo laf dhabar u […]

Continue Reading

Amarro la duldhigay Shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya

Kulan uu xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya kula qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Madaxda Shirkadaha Diyaaradaha ayuu ugu gudbiyay amaro oo ay ay Wasaaradu uga jawaabayso cabashooyinka dadweynaha Soomaaliyeed ee raaca diyaaradaha dalka ka howlgala. Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya oo qodobayeey […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug, Xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha duleedka Magaalada. Gudaha Magaalada ayuu kula hadlay Masuuliyin ka tirsan Galmudug iyo qeybaha Bulshada, isagoo uga warbixiyey safar dhul ka ah oo uu ku […]

Continue Reading

Madaxweyne Xaaf oo kormeeray Xarumo laga dhisayo Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ay wehliyaan Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir iyo Wasiiro ayaa maanta kormeeray xarumo dhismahoodu ka socday Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug. Madaxweynaha ayaa booqday dhismayaal loogu talagalay in ay maamulku ku shaqeeyaan, waxaana howshaan fulinaya shirka Maxali ah oo  lagu magacaabo Dhaldhis. Madaxtooyada iyo Wasiirada Galmudug ayaa […]

Continue Reading

Dhalinyaro Somaliyed oo ku xirnaa Libiya oo Muqdisho la keenaayo

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho laga soo dajiyo 13 dhalinyaro Somaliyed oo laga soo daayay xabsiyada dalka Libya. Dhalinyaradaan ayaa sii dayntooda waxaa fududeysay dowladda Federalka Somaliya, kadib markii kiiska dhalinyaradan ay u xil saartay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dowladda Somaliya. Ambassador Cali Siciid Fiqi, ayaa ku guuleystay 13 kaan dhalinyarada ah […]

Continue Reading