Farmaajo iyo Kenyatta oo Taleefoon ku wada hadlay

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka kuwa wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid […]

Continue Reading

Bangiga aduunka oo dib u soo celiyay wada shaqayntoodii soomaaliya

Bankiga Adduunka ayaa shalay sheegay inay caadiyeeyeen xiriirkii ay dawladda Soomaaliya la lahayd Bankiga Adduunka 30 sano kadib. Bankigu waxa uu sheegay inay tani ka dhigan tahay inay fursado u furto dawladda Soomaaliya, fursadahaas oo ay ka mid yihiin inay Soomaaliya hesho deeqaha uu bixiyo Bankiga Adduunka iyo inay wadashaqayn la lahaato dhammaan laamaha Bankiga […]

Continue Reading

Beesha Caalamka: Doorashada waa in Waqtigeeda lagu qabtaa

Sharciga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa hadda lagu ansixiyay Golaha Shacabka waxaana saxiixay Madaxweynaha 20-kii Febraayo. Sharcigan wuxuu qeyb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka doorasho ee asaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan. In kasta oo tani ay tahay tallaabo muhiim ah, […]

Continue Reading

Maraykanka oo walaac ka muujiyay ciidamada dowlada ee gedo la geeyay

Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka Rodney Hunter  ayaa si kulul uga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay geysey magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo. Rodney Hunter ayaa sheegay in sanadkan 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaama ay dooneyso inay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka qaranka iyo sidii […]

Continue Reading

Xarunta waxbarashada gobolka banaadir oo xariga laga jaray

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Cabdullahi Goodax Barre iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadid ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Finsh ayaa xariga ka jaray xarunta Waxbarashada gobolka Banaadir oo muda 30-sano kadib dib loo hirgaliyay. Xaruntaasi oo qeyb ka noqon doonto xoojinta adeegyada Waxbarashada, waxaana daahfurka xafiiskan goob joog ka ahaa hogaanada daladaha Waxbarasho ee […]

Continue Reading

Alshabaab oo Baardheere ku dilay Masuuliyiin Dowladeed.

Al-Shabaab oo dil iyo gowrac mas’uuliyiin ugu geystay Baarddheere Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab dilal qorsheysan ay ka geysteen gudaha degmada Baardheere ee gobolkaasi. Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen qeybo ka mid ah magaalada Baardheere, iyagoona […]

Continue Reading

Koox ka qaatayaal ah oo lagu xukumay xukunno kala duwan

Maxamed Cabduqaadir  Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa loo heystaa in ay yihiin koox ka qaatayaal ah oo loola jeedo koox dhac ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada  iyo Kombiitarrada. 23-kii August Sanadkii tegay ayay […]

Continue Reading

Baarlamaanka Puntland oo go’aan ka gaaray cida noqonaysa kusimaha madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa

Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland go’aan ka gaaray khilaaf ka dhashay qofka noqonaya Kusimaha Madaxweynaha Puntland haddii Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa ay dalka ka maqnaadaan. Khilaafkan ayaa waxaa uu u dhexeyay golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta iyadoo mid walba uu sheeganayay in uu leeyahay kusimaha Madaxweynaha. Guddiga Joogtada ah ee Golaha […]

Continue Reading