Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Cabdalla Cabdalla ayaa si rasmi ah looga saaray Liiska Hay’adda.
Cabdalla Cabdalla oo dhawaan wareysi siiyey Laanta Afsoomaaliga ee VOA ayaa eedeyn u soo jeediyay Hay’adda Sirdoonka Qaranka ka dib markii laga qaaday xilkii uu haayay.
Bogga Twitterka ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa lagu daabacay qoraal kooban oo cadeynaya in liiska Hay’adda Nabad Suggida Somaliya laga saaray Cabdall Cabdalla.
NISA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay, kadib markii Guddi loo xil saaray Baaritaanka eedeymo uu Sarkaalkaan u jeediyay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ugu dambeyn in Guddigaasi ay go’aamiyeen in laga saaro Liiska NISA.
Kadib waraysi uu bixiyay Gen. Abdalla Abdalla kuna sheegay eedeymo, waxaa loo saaray guddi baara qaladaadka xasaasiga ah ee ka horimaanaya hanaanka shaqo & danaha qaran, wuxuu gudigu gartay, inuusan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah.
— NISA (@HSNQ_NISA) September 1, 2018