Madaxwayne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusamareeb

Wararka Maanta

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaasoo uu ka socdo shirweynaha dib u heshiisiinta.

Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo gabagabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo muddo todobaad ka socday Dhuusamareeb, kana qeyb galeen in ka badan 500 oo ergo ka socday beelaha dega Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu la kulmi doono ergooyinka beelaha, si uu uga dhageysto tabashadooda, isla markaana la sii wado dadaalada lagu dhisayo Galmudug-ta cusub.

Qaban qaabada lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha ayaa ka socota Dhuusamareeb, iyadoo maanta ay tagi doonaan wafuud horudhac ah iyo ciidamo ka qeyb qaadan doona sugida amnigiisa.

Dowladda Federaalka ayaa labadii bil ee la soo dhaafay waday dadaalada geeddi socodka dhismaha Galmudug loo dhan yahay, iyadoo dadaaladaas uu hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana sidii uu u mira dhali lahaa dadaaladaas u joogay Dhuusamareeb muddo 40-tan cisho.