Beesha Caalamka oo soo dhoweysay dhismaha maamul Hirshabeelle

Wararka Maanta

Qaramada Midoobay,Midowga Afrika,Midowga Yurub,IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden iyo United Kingdom ayaa si weyn u soo dhoweeyay dhamaystirka shirkii ka socday Magaalada Jowhar, kaasi oo Cali Cabdullahi Cosoble madaxweyne loogu doortay halka Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe loogu doortay Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi.

Beesha Caalamka waxay soo dhoweysay dhismaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle oo Madaxweynaha maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa toddobaadkan lagu doortay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle, iyadoo ugaga mahadcelisay Dowlada Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD sida ay dadaalka xooggan u geliyeen dhamaystirka Maamulada federalka ah ee Dalka.

Warsaxaafadeed ay soo saareen beesha caalamka ayaa loogu baaqay Maamulka cusub ee Hirshabelle in uu si hufaan u soo dhiso Aqalka Sare iyo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka federalka.

War saxaafaeedka ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Maamulka cusub uu u hogaansanaadaa sharciyada iyo heshiisyadii hore ay u gaareen Maamul goboleedyada sida soo xulista ergada Baarlamaanka iyo in la dhowro qoondada haweenka ee hore loogu heshiiyay ee ahaa boqolkiiba soddon.

Beesha Caalamky waxay sidoo kale ugu baaqday Maamulka cusub in uu dadaal xoog leh u galo sidii Dadka qabanaya xafiisyada Maamulka ay u noqon lahaayeen kuwo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay diyaar u tahay inay taageerto Maamulka cusub, iyadoo Maamulkana looga baahan yahay in uu dhamaystiro qorshayaasha uu ku doonayo in uu ku horumariyo bulshadia.
Warkani waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu Madaxweynaha cusub ee Maamullka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble la kulmay Madax ka tirsan Qaramada Midoobay.

Tagged

Comments are closed.