Baarlamaanka Galmudug oo kulan ku yeelanaya Dhuusa-mareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta
  1. Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta kulanoodii ugu horeeyay ku yaalanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan Mudanayaasha.

Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa 26-kii bishan lagu mideeyay Magaalada Dhuusa-mareeb, kadib Munaasabad halkaasi ka dhacday oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Kulanka waxaa shir guddoomin doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, waxaana xalay xildhibaanada lagu wargeliyay in uu jiro kulan maanta oo Arbaco ah.

Baarlamaanka la mideeyay ee Galmudug iyo Ahlusuna ayaa waxa ay tiro ahaan gaarayaan 178 xildhibaan, ajandayaasha maanta la filayo in kulanka looga hadlo ayaa waxaa ka mid ah ka doodista wax ka badalka Xeer hoosaadka Baarlamaanka, isbarashada Xildhibaanada labada dhinac iyo dib u eegista Dastuurka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa xilligan wixii ka dambeeya waxa ay ku shaqeyn doonaan Magaalada Cadaado ee xarunta Barlamaanka Galmudug, maadaama heshiiska uu ahaa in kulamada Baarlamaanka lagu qabto Cadaado.