Axmed Madoobe oo Garowe Gaaray

Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland, waxaana garoonka Diyaaraddaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kaga mahadceliyay Madaxweynaha Jubbaland si uu u ajiibay Casuumaadii loo fidiyay si uu uga qeyb galo Caleemasaarka.