Talyaaniga oo la noqday mashruuc ay soo dalban weysay Somalia

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay dib ula noqotay mashruuc seddex geesood ah oo u dhaxeeyay, Talyaaniga, Dowladda Federaalka, iyo Hay’adda QM ee Beeraha iyo Cuntada ee FIO, mashruucaasi oo ku kacayay dhaqaale gaaraya 6 Milyan oo doolar oo biyo xireenno looga sameyn lahaa magaalada Baladweyne kadib markii sanadkii hore uu fatahay Webiga Shabeelle. Dowladda […]

Continue Reading

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Amiirka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha iyo […]

Continue Reading

Alshabaab oo Maxkamad ka furtay deegaanka Qaayib.

Ururka Alshabaab ayaa maanta Maxkamad ka furay deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Cadaado gobolka Galgaduud, Qaayib ayaa 90 kiilomitir Koofur kaga beegan degmada Cadaado, waxaana sidoo kale Alshabaab halkaas ka taageen calankooda. Saraakiil ka tirsan Alshabaab iyo ciidan ay wateen ee maanta tagay deegankan ayaa la kulmay odoyaasha deegaanka, iyagoo u sheegay Maxkamadii Deegaanka Ceelgaras […]

Continue Reading

RW Khayre Oo Gaaray Magaalada Dooxa Ee Dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa mas’uuliyiinta dowladda Qatar la yeelanaya kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo laabtay safar shaqo oo uu kusoo maray […]

Continue Reading

Barlamaanka Puntland oo doortay Gudoomiye cusub.

Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Puntlad kaddib doorasho ka dhacday halkaas. Waxaa uu wareegi labaad ee doorashada kaga guuleystay Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo helay codad gaarayo 17 halka Abwaan Cabdirashid uu helay 46 cod. Arrintani ayaa kusoo begmeysa xilli dhawaan xildhibanaada Puntland ay xilka ka qaadeen guddoomiyihii […]

Continue Reading

Puntland oo 20 Gaari oo Mucaawino sida u dirtay Beledweyne

Madaxweynaha Puntland oo Ambabixiyey Gurmad Puntland u dirtay Beledweyne . Garoowe: 13 November 2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb galay Xafladda Ambabixinta Gurmadka Puntland u dirtay dadweynaha magaaladda Beledweyne oo dhowaan ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaaddii Webiga Shabeelle. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa xafladda lagu […]

Continue Reading

Dowladda Oo Qatar Ka Guddoomay Doomo, Cagafyo Iyo Gaadiid Kale

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safiirka Qatar ee Soomaaliya ka guddoomay doomo, Cagafyo iyo gaadiid kale oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Munaasabad lagu qabtay gudaha dekadda Muqdisho, ayuu ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad celiyay dowladda Qatar deeqdaan ay maanta […]

Continue Reading

Guddiga dib u hawl-gelinta heshiiska Soomaaliya & Qadar oo Dooxa ku kulmay

Guddiga dib u hawl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta oo Dooxa kula kulmay dhiggooda dalkaas Dooxa, November,13, 2019- Guddiga dib u hawl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay dalka Qadar ka helaan fursado Shaqo ayaa la kulmay guddiga dhiggooda ah ee dalka Qadar. […]

Continue Reading