Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay kooxda ay dhameystirtay saxiixyada Shkodran Mustafi iyo Lucas Perez.
Labada nin, ayaa uga soo biiro ka Valencia iyo Deportivo La Coruna, Arsenal ayaa qarashgaraynaysa in ka badan £ 50m.
Daafaca dhexe ee xulka Germany Mustafi ayaa-lala xiriirinaayay garoonka Emirates Stadium todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana iminka la filayaa inuu ugu biiro hishiis ku kacaya £ 35m .
Dhanka kale Lucas ayaa ugu biiraya kooxda ka dhisan North London lacag dhan £ 17.1m
Kooxda ayaa weli ku dhawaaqin si rasmi ah laakiin Wenger ayaa xaqiijiyay in la dhameystiray hishiisyada kla dib ciyaartii kooxdiisa ay 3-1 kaga badisay Watford galabta.