AQALKA SARE OO SABABO AMNI U XIRAN

Wararka Maanta

Tobankii bishaan dhammaadka ah ee Sibteembar ayey ahayd in Aqalka Sare uu furmo, balse guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare kulan ay qaateen waxa ay ku sheegeen in sababo farsamo uusan Aqalku furmeyn.

Warbaahinta Kalfadhi oo ka faaloota arimaha Barlamaanka ayaa baaritaan badan ku sameysay sababta uusan Aqalku u furmin, iyadoo inta badan xildhibaannada Aqalka Sare ay joogaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sanatar Xuseen Shiikh Maxamuud oo la hadlay Kalfadhi ayaa sheegay in Aqalku uu u xiranyahay sababo amni oo xildhibaannadu ay isku aamini waayeen amniga xarunta ay ku shiraan.

Xukuumadda ayuu sheegay in dhawr jeer warqado codsi ah loo diray, taasoo looga dalbanayo in la kordhiyo tayada iyo tirade ciidamada nabad sugidda ee waardiyeeya xarunta Aqalka Sare, sidoo kalana la helo ciidamo kale oo AMISOM ka socda. Jawaabaha xukuumadda ayuu Sanatar Xuseen ku sheegay “ cagajiid. ”.

Waxa uu sheegay in guddoonka Aqalka Sare “ uu ka xishoonayo ” in shacabka Soomaaliyeed ay niyad jabiyaan, isla markaana ay caddeeyaan in xukuumaddu diidantahay in amniga Aqalka Sare la sugo. Balse ay xaqiiqadu tahay sidaas.

Kulankii ugu dambeeyay ee Aqalka Sare ee kalfadhigii saddexaad ayey mudanayaashu kaga doodeen amniga xarunta. Qaraar ay kasoo saareenna waxa ay ku sheegeen in aan la isku halleyn karin amniga xarunta Golaha Aqalka Sare.

Isha: Kalfadhi