Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan magaalo xeebeedka Ceelhuur ee gobolka Mudug, Ciidamada Alshabaab ayaa goordhow gudaha u galay magaalada.
Ciidamada Alshabaab ayaa wata gaadiid dagaal, waana markii ugu horeysay ee ay qabsadaan magaaladan, inta badan dadkii daganaa ayaa isaga barakacay, waxaana ku haray dad aan tiro badneyd.
Ciidamada galay Ceelhuur ay ku yimid laba wado, wadada Camaara iyo tan xeebta marta ee ka timaada degmada Xarardheere.
Alshabaab ayaa u arka Ceelhuur goob dadka dagan si aad ah uga soo horjeedaan fikradahooda, waxaana saddex sano ee lasoo dhaafay dhowr jeer Shabaabku isku dayeen in ay qabsadaan, balse ay iska caabin kala kulmeen dadka deegaanka.
Maamulka Galmudug ayaanan wali ka hadlin dhibaatooyinka Shabaab ka wadaan koofurta Mudug, waxaana ciidamada Galmudug oo todobaadkii hore tagay degmada Hobyo ay dib ugu laabteen Galkacyo.
Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com