Al-Shabaab ayaa tuulada Daaru Salaam ee Gobolka Shabellaha hoose, waxa ay lug iyo gacan uga gooyeen labo Wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay inay xatooyo geysteen.
Labadan Wiil ee dhalinyarada ah ayaa la soo taagay maxkamada Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana qaadiga maxkamada uu ku dhawaaqay xukunka labada wiil inay kala yihiin mid gacanta laga goynaayo iyo mid lugta laga goynaay, maadaama mid ka mid ah horay gacanta looga gooyay.
Qaadiga Shabaab ayaa yiri “Maxkamaddu markii ay dhageysatay dacwada lagu soo oogay eedeysaneyaasha iyo jawaabihii ay bixiyeen oo ahayd mid qiraal ah, waxay maxkamaddu u bandhigtay shareecada islaamka, wuxuu noqday Xadu Sariqah, waxay soo saartay xukunka soo socda:- Cabdi Cali Maxamed waxaa laga goynayaa lugta bidix kadib markii horay looga gooyay gacanta bidix, halka Max’med Xasan Cumar laga goynayo gacanta bidix.” ayuu yiri qaadiga maxkamadda oo fagaaraha ka akhrinayey xukunka.
Max’med Xasan Cumar oo ah Wiilka lugta laga gooyay ayaa lagu eedeeyay inuu xaday neef dibi ah oo saddex sano ah jir ah.
Al-Shabaab ayaa inta badan fuliya Xukunno ay ku ridaan dadka lagu soo eedeeyo Xatooyo