Waxaa goordhow lagu dilay Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho Almaas Elman Axmed oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad safaaradda Soomaaliya ee Kenya.
Hadda waxaa ay ka tirsaneyd hey’adda Elman Peace oo uu Aas’aasay Aabaheed oo caan ku ahaa ka Shaqeynta Nabada ee Elman Axmed, kaas oo isna Muqdisho lagu dilay.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Almaas Elman,waxana wararka qaar ay sheegayaan in Gaari ay wadatay xabad lagu riday ay ku dhacday,kadib dhaawac soo gaarey ay ugu geeriytootay isbitaal ku yaalla Gudaha xerada.
Xerada Xalane ee Muqdisho ayaa ah goob ammaankeeda aad u adag yahay,isla markaana ay ku yaallaan safaarado sidoo kalena ay degan yihiin Ajaanib farabadan.
Wixii war kusoo kordha kala soco Ceelhuur.Com