Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyey Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS.

Wararka Maanta

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shaqada looga joojiyey Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Khaliif Diiriye.

Wareegtada Shaqada looga joojiyey Mudane Maxamed Khaliif ayaa lagu xusay in Ra’iisul wasaare Kheyre oo tixgelinayo Waraaq codsi ah oo kasoo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu meel mariyey Ra’iisul Wasaaraha Shaqo ka joojinta Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wareegtada kasoo baxday Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wargeliyey Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka in waajibaadkiisa shaqo uu u guto si hufan oo Waafaqsan Dastuurka iyo Sharruucda dalka.