Qunbaha (Coconut) waxa uu ka mid yahay dhirta ka baxda dalkeena Soomaaliyeed, Miraha Qunbaha ayaa bulshadu u adeegsataa siyaabo kala duwan, waxaana ka mid ah in saliid laga sameeyo miraha qunbaha.
Saliidda Qunbaha ayaa faa’iidooyin caafimaad oo badan u leh jirka bini’aadamka, waxaana ka mid ah :
Maqaarka : Waxa ay ka hortagtaa jactadka ama duuduubka maqaarka jirka, iyo qaleylka oogada.
Difaaca Jirka : Waxa ay xoojisaa Difaaca jirka
Lafaha : Wax ay awood siisaa lafaha iyo ilkaha qofka.
Cudurka Macaanka : Waxay isku dheeli tirtaa sonkorta ku jirta dhiigga iyo Insulin.
Cudurka Wadnaha : Waxay ka hortagtaa Sara u kaca Cholestrolka iyo Cadaadiska dhiigga.
Tinta : Waxay ka hortagtaa hoos u dhaca Proteinka
Dheefshiidka : Wax ay fududeysaa dheefshiidka
Beerka iyo Kilyaha : Waxa ay yareysaa cudurada Beerka iyo Kilyaha.
Madaxa : Waxaa lagu daaweeyaa Madax xanuunka
Dheelitrika Hormonada
Saliida qunbaha waxaa loo adeegsan karaa habab kala duwan, sida in cuntada lagu kariyo, lagu darsado ama jirka la marsado.