80 Askari oo ka tirsan NISA oo laga Ceyriey Xerada Gen. Nuur Shirbow

Wararka Maanta

Sida ay Ceelhuur Online u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Waxaa Xerada Tababarka Gen. Nuur Shirbow laga ceyriyey ilaa 80 askari oo muddo 7 bilood ah halkaas tababar uga socday.

Askartaan la sheegay in lagu ceyriyey amar ka soo baxay Agaasimaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Xuseen uur-kuus), Ciidankan oo sugayey in loo qeybiyey hub iyo agab ciidan ayaa la sheegay in bakhaaradda keydka xerada tababarka laga waayey saanaddii loogu talagalay ciidankan.

Dhawaan ayey aheyd markii la jabiyey xafiiska Taliye ku xigeenka NISA Cabdalla Cabdalla Maxamed, waxaana laga qaatay Document-yo Muhiim ah, sidoo kale waxaa la burburiyey xog ku jirtay Kumbiyuutaro.

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa wajaheyna Culeys iyo isku dhexyaac, Waxaana muuqata in ay xarka goosanaayo khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare NISA.

Sidoo kale arinta khilaafka Madaxda NISA ayaa la xariirinayaa Khilaaf ka dhex aloosan Madaxweynaha farmaajo iyo Ra’iisulwasaar Kheyre, waxaana maalmahaan soo ifbaxay khilaaf u dhexeeyo labad masuul, khilaafkaas oo saameyn ku yeesha howlaha Dowladda.