3 Kursi Golaha Shacabka oo dhawaan la dooran doono

Wararka Maanta

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in ay qaban doonaan Doorashada Kuraasta kale ee ka dhiman Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa sheegay in Saddex kursi ay ka dhiman tahay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, waxayna Guddiga tilmaameen in Saddex kursi doorashooyinkooda ay ka kala dhici doonaan Magaalooyinka Cadaado, Kismaayo iyo Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo wareysi siisay Idaacadda Risaala ayaa sheegtay in cabashadii ka taagneyd qabsoomida doorashada Saddex kursi la xaliyay.

Waxa ay xustay in dhawaan la qaban doono doorashoyinka Saddexdaasi kursi.

Shalay ayay ahayd markii Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ay Magaalada Jowhar ku qabteen doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

Xigasho: Radio Risaala