Sida ay sheegtay warbaahinta dalka Suuriya ugu yaraan 11 qof oo afar kamid ah ay caruur yihiin ayaa ku dhintay dhisme uu dagalka dalkaasi waxyeelleeyey oo ku dumay magaalada Aleppo.
Hal canug oo kaliya ayaa ka badbaaday dhismahan oo ku dumay xaafadda ay fallaagadu haysan jireen ee Salaheddin, taas oo ay duqeeyeen ciidamada Suuriya iyo kuwa Ruushka kahor inta aan lala wareegin.
Masuuliyiinta Suuriya ayaa goor horeba xoogga saaray dib u dhiska kaabayaasha aasaasiga ah.
Sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee AFP dhowr dhisme oo kale ayaa qarka u saaran in ay dumaan kuwaas oo kuyaal isla xaafadda Salaheddin.