Zinedine Zidane Oo Saxiixyo Cusub Sameynaya Bisha Janaayo 

Ciyaaraha

Zinedine Zidane ayaa si maldahan u sheegay inuu ku soo biiranaayo wajiyo cusub kooxda Real Madrid bisha Janaayo ka dib markii kooxdiisa ay 3-2 kaga badisay Malaga sabtidii.

Los Blancos ayaa labo jeer shabaqa soo taabteen iyagoo  kooxda martida loo yahay ee Bernabeu ka hor inta uusan Cristiano Ronaldo goolka guusha u dhalinin .

Guushaan ayaa Real Madrid waxay ka dhigantahay in todobo dhibcood ay ka hooseeyaan Barcelona, ​​oo la ciyaaraysa kooxda kaalinta labaad ku jirta Valencia kulanka ka dhcaya Mestalla axada, Zidane ayaana qirtay in kooxdiisa ay ku dhibtootay kulankii Malaga.

Real ayaa haatan haysata horyaalka La Liga iyo Champions League, lakiin haatan waxay ku jirtaa kaalinta 4aad ee horyaalka Spain, waxaana kaalinta labaad ku dhameysatay Group H.