Goolhayaha Tottenham Hotspur Hugo Lloris Oo Afar Isbuuc Dhaawac Ku Maqnaan Doona

Ciyaaraha

_90809392_lloris2 (1)

Tottenham Hotspur goolhayaheeda Hugo Lloris ayaa garoomada ka maqnaa  doona muddo afar isbuuc ah ka dib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray.

29-sano jirkaan waxay waxyeeladaan ka soo gaadhay kulanka furitaanka eebarbaraha  1-1 ah la galeen Everton waxaana uu haatan seegi doonaa kulamada ka dhanka ah Crystal Palace iyo Liverpool.

maanta, warkaan Spurs ayaa xaqiijisey: “Ka dib markii qiimeyn dheeraad ah iyo baaritaano lagu sameeyay dhaawaca muruqa bidix ka soo gaaray  Hugo Lloris kulankii  1-1 ee Everton sabtidii, waxaan xaqiijin karnaa oo la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo ku dhawaad afar todobaad.

Lloris oo ka soo jeeda dalka Faransiiska ayaa Lyon uga soo biiray Tottenham sanadkii 2012, isagoo 168 kulan u saftay kooxda ka dhisan Waqooyiga London.