Faafaahin laga halayo Qarax Xalay ka dhacay Boosaaso

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi uu ka dhacay Qarax.

Sida ay xaqiijiyeen Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Boosaaso Qaraxa ayaa ahaa Bambo Gacmeed lagu Weeraray Kaalin Shidaal oo ku taalla Boosaaso.

Bambo Gacmeedka oo laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Boosaaso ayaa lala  beegsaday Kaalinta Shidaalka ee National.

Saraakiil ka tirsan Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in walxaha qarxa lagu weeraray mid ka mid ah Kaalimaha Shidaalka illaa iyo hadana aanu jirin cid wax ku noqotay.

Ciidamada amniga ayaa  gaaray meesha wax ka dhaceen, waxaana halkaasi ay ka waddaan baaritaano.