3 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Cadaado (Warbixin+Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa lagu doortay saddex kursi oo kala ahaa:

Kursiga 31-aad Beesha Ceyr/Bari
Waxaa ku guuleystay C/Xakiim Macalin Axmed oo helay 40 cod, halka Shukri Cabdi Faarax heshay 5 cod, Ergada codeysay 45 ergay.
Waxaa goobta ka maqnaa Musharixiinta kala ah:
1. Maxamed Caabi Xasan
2. Xaliimo C/raxmaan Faarax
3. Axmed Mire Faarax (Faafaale)
4. Sacdiyo Maxamed Cilmi
Waxaa jira musuq cad waan idinla wadaagi doonaa, Waa kursigii ugu musuqa badnaa intaan goob jooga ka ahaa doorashada Cadaado.

15267648_1248377061890175_1773080036605686118_n 15319276_1248377051890176_5847257337287566504_n 15327223_1248377035223511_7406265497289666612_n 15349700_1248377041890177_6149993336702285358_n

Kursiga 32-aad Beesha Shiikhaal/Loobage/Caagane
Waxaana ku guuleystay Cali Axmed Shariif Cismaan (Cali Yare) oo helay 49 cod, Halka C/risaaq Maxamed Axmed uu ka tanaasulay. Tirada ergada 51
Waxaa goobta ka maqnaa Musharixiinta kala ah:
1. C/raxmaan Xasan Cilmi (Cowle)
2. Salaad Cilmi Axmed
Kursigaan cabasho badan ayaa ka jirta.

15284118_1248409175220297_1502828765105164876_n 15284148_1248409118553636_1698211177857367098_n 15349814_1248409161886965_4726893839185729113_n

Kursiga 33-aad Beesha Mareexaan/ Bah Daarandoole
Waxaana ku guuleysatay Nadiifo Faarax Jaamac oo heshay44 cod, halka Xabiibo Maxamed Guuleed ay ka tanaasushay.
Waxaa goobta ka maqanaa musharixiinta kala ah
1. Faadumo Cali Jaamac
2. Deeqo Cismaam Jaamac
3. Muna Cabdi Jaamac

15267588_1248441135217101_4909380406838749395_n 15356705_1248441115217103_3691928911915589428_n 15380620_1248441148550433_8139926343229385187_n

FG: goordhow filo warbixin aan kaga hadlayno Musuqii ugu darnaa oo ka dhacay kursiga beesha Cayr bari.