Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqyamood shalay 16 June ay ka gaysteen nawaaxiga magaalada Jlib ee Gobolka Jubba Dhexe, kuwaas oo ay ku dileen laba ka tirsna maleeshiyada Al-Shabaab.
Milataraiga Maraykanka ayaa sheegay inay duqayntaasi ay iskaashi kala sameeyeen laguna gacan siinayey dawladda Soomaaliya. Warar laga helayo dadka degaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka la bartilmaameedsaday uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Maraykanka ayaa sheegay in ay beegsanayaan dhaqdhaqaaqa kooxda Alshabaab, Waxaana duqeymaha Maraykanku hoos u dhigeen weeraradii ay qaadi jireen Alshabaab marka laga reebo qaraxyda iyo dilalka gaadmada ah.
halkaan ka aqriso warbixinta Milatariga Maraykanka.