Qarax ka dhacay meel ku dhow Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga

Wararka Maanta

Kolonyo gaadiid ah oo ay lahaayeen ciidamada AMISOM marayay meel ku dhow Wasaarada Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ayaa qarax loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso lagu weeraray iyadoo qasaare uu ka dhashay qaraxaas.

Hal askari oo ka tirsan ciidamada xoogga ayaa ku dhintey dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen iyadoo aan la ogeyn khasaaraha gaaray ciidamada AMISOM.

Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhacay goobtii lagu qarxiyay gaari uu watay General Goobaanle oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamo ammaanka ayaa howlgalo ka fuliyey xaafadaha ku dhow dhow wasaarada gaashaandhigga lamina soo sheegin cid loo soo qabtay qaraxa.