Xubno Al-Shabaab ka tirsan oo ku dhintay Qarax gaari

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan xubno ka tirsanaa Al Shabaab ay ku dhinteen  qarax gaari oo ka dhacay meel ku dhaw xuduuda Kenya & Soomaaaliya ay ka wadaagaan Gobolka Gedo.

Sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaariga ayaa ku qarxay meel u dhow degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Gaariga ayaa noociisa waxaa uu ahaa Qooqan, waxaana saarnaa ku dhawaad 10 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab, Saraakiisha Ciidanka waxa ay sheegeen in dhammaantood ay geeriyoodeen.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Saraakiisha Militariga dowladda Gobolka Gedo oo warkaan xaqiijinaya, Al Shabaabna wali kama aysan hadlin.