Madaxweyne Xaaf oo kormeeray Shaqada Guddiga Dib u eegista Dastuurka (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta kormeeray shaqada  dib u eegista dastuurka. Guddigan oo ka kooban 12 xubnood ayaa waxaa soo xulay Galmudug iyo Ahlu sunna. waxaana howshooda ku wehliya khubaro ka taageereeya howsha dib u eegista Dastuurka.

Guddiga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey in ay gababo u marayo dib u eegista dastuurka. Waxaana guddigu qodob qodob u dul istaagayaan labada dastuur oo horey ugu qoraan Galmudug iyo Ahlu sunna. ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Qodobka xarunta Barlamaanka loo dhaafay in ay u codeeyaan barlaamaanka cusub, waana arinta keentay in ay reer Cadaado ka biyo diidana howsha ka socota caasimadda Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey guddiga  farsamo shaqada ay u hayaan bulshada, waxaana sidoo kale Madaxweynuhu kormeeray xerada Qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dhawaan la dhisi doono xerada oo muhiim u ah suggidda aminiga Galmudug.

Sidoo kale Booqashada Madaxweynaha waxaa ku wehliyay C/Samada Macalin Maxamuud oo ah xiriiriyaha howsha isku dhafka labada maamul. Dhanka kale Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda abaabul shir la sheegay in looga arinsanayo aayaha Galmudug.

Sawirada: Cabdullaahi Warsame