Wararkii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta

Warka ka imaanaya Muqdisho, ayaa sheegaya in xalay kulamo ay dhex mareen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo guddiyo ay iska soo magacaabeen xubnaha muranka uu ka dhex jiro ee baarlamaanka Soomaaliya.

Gudigii ka socday dhanka Jawaari ayaa  Madaxweynaha hordhigay laba qodob oo kala ah : 1- In Sanduuq cod bixin lagu kala baxo, lana geeyo goob dhex dhexaad, si daah furan loo sameeyo cod bixinta. 2- In hab kale oo xal mastuur ah ama wada hadal siyaasadeed lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed.

Dhanka kale Xildhibaano ka mid ah kuwii mooshinka ka keenay Jawaari ayaa xalay shir ku yeeshay mid ka mida Hotelada Muqdisho, lama oga in mowqifkooda wax iska bedelay iyo in kale, waxaana xildhibaanada shirsanaa ay ka soo jeedaan Koofur Galbeed. Warar hoose ayaa sheegaya in garabka Mooshinka waday ay kala jabeen, kadib markii ay ka shakiyeen talada ay ku yeelanayaan cidda la keenayo Haddii Jawaari la rido.

Dhinaca kale, ciidamadii xasilinta Muqdisho, ayaa la sheegaya in laga saaray fariisimadoodii Wadada Wadnaha magaalada Muqdisho, iyadoo meelihii ay fadhisimada ku lahaayeenna lagu wareejiyay kuwa booliis ah. Ciidamadan ayaa la geeyey Wadada Warshadaha. waxaana arintaan soo dhaweeyey dadweynaha ku nool Muqdisho, oo dhib ku qabay u kala gooshidda Magaalada.