Xogta: Wadahadalka Madaxda Sare Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxda Sare Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, waxaana ay ku tageen baaq uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa 24 bishan ka dagay Magaalada Muqdisho, isagoo isla maalintaas kulan la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, Wadahadalka oo waqti qaatay ayaan natiijo rasmi ah laga gaarin, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. gabangabadii kulankaas ayaa  Madaxweyne Farmaajo  Mudane Xaaf u sheegay inuu u yeerayo Madaxda kale ee Cadaado ku sugan si arintan loo guda galo.

Madaxweyne Xaaf ayaa ka cagajiidaya inuu la fadhiisto Masuuliyiinta kasoo horjeeda, isagoo diidan in dib loogu laabto fulinta heshiiska Jabuuti, sidoo kale waxa uu ka gows haysta Madaxda Dowlad goboleedyada oo u balan qaaday taageero siyaasadeed. inkastoo uu hadana ka cabsanayo in Xildhibaanada Cadaado ku sugan ay xilka ka qaadaan hadii khilaafku dheeraado waana arinta ku qasbeysa inuu wadahadal ogolaado.

Dhanka kale Waxaa shalay Muqdisho gaaray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir  iyo masuuliyiin kale oo ka socday garabka Cadaado. garabkan ayaa waxaa miiska u saaran in dib loo saxo fulintii heshiiskii Jabuuti, laguna dulshaqeeyo dastuurka Galmudug. Beri ayaa la filayaa in Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal la kulmaan Madaxweyne Farmaajo, oo isagu markii hore u yeeray.

Dowladda Federaalka ayaa isku dayeysa xal u helidda khilaafka Madaxda Sare Galmudug ee ka dhashay habkii loo fuliyey heshiiskii lala galay Ururka Ahlu Sunna. halka Dad badan ay shaki ka qabaan in dowladda dhexe karti u leedahay in heshiis rasmi ah dhexdhigto Madaxda Galmudug.  inkastoo wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Sabriye uu dadaal badan ku bixinayo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Galmudug.

Shacabka Galmudug ayaa ka dhursugaya Natiijada kasoo baxda wadahadalada Xamar uga bilaaban doona Madaxda Galmudug.