Wafdi Sare oo ka socda Eritrea oo Maanta Tagaya Addis Abeba

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Sida uu xaqiijiyey wasiirka Warfaafinta Eritrea Mr. Yemane G. Meskel waxaa maanta tagaya magaalada Addis Abeba caasimadda dalka Itoobiya wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Eritrea.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha dibadda Eritrea Mr. Osman Saleh, waxaana ku wehliya socdaalka La taliye Sare Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab. Masuuliyiintaan ayaa la kulmi doona madaxda dalka itoobiya, iyagoo ka hadlaya sidii loogu gogol xaari lahaa dhameynta colaadii muddo dheer ka dhex jirtay labada dal.

Madaxweynaha Eritrea  Isaias Afwerki ayaa Todobadkii hore sheegay in wafdi heer sare ah ay u diri doonaan magaalada Addis Abeba caasimadda Itoobiya. horey Ra’iisulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhankiisa bilaabay niyad wanaagga isku soo dhaweeyey labada dhinac, isagoo sheegay inuu ogol heshiiskii Aljaris oo dhigayey in magaalada Badme loo xukumay Eritrea.

Labadan dal ayaa waxaa dhexmaray dagaalo culus sanadihii 1998 iyo 2000 oo dad badan uga dhinteen labada dhinac, waxaana itoobiya ku guuleysatay in Eritrea la go’doomiyo siyaasad ahaan, waxaana xumaaday xiriirka Eritrea la laheyd wadamada dariska la ah. Talaabada Niyad waanaga ee labada dhinac qaadeen ayaa wax badan ka tari doona xasiloonida gobolka Geeska Afrika.