Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxa ka socda Mooshin ay wadaan in Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada maamulka Puntland, Ujeedka Mooshinka ayaa ah kalsooni kala noqoshada xukuumadda Puntland, Xildhibaanadaan ayaa ku eedeeyay Wasiirada maamulka Puntland waxqabad xumo iyo in qaarkooda ay galeen heshiisyo aysan ogeyn Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.
Maanta ayaa lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada Garowe. Waxaa socda dhaq dhaqaaqyo dhowr jiho ka socda oo intuba la xiriira arrintan, sida kulamo ka dhacay Madaxtooyada, Xildhibaano shirar toos ah iyo kuwo dadban yeeshay iyo wasiiro raadinaya fududeynta wado kasta oo ay mooshinka uga badbaadayaan.
Dhinaca kale kulan xalay dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo guddi ka socda golaha Barlamanka ayaa wararka laga helayo xusayan iney soo jeediyeen in xarun cusub ee Barlamaanka loo dhiso taasoo laga bixinayo lacagaha dowladu ka heshey Imaaraadka .
Wariyeyaasha ku sugan Garowe ayaa kusoo waramaya Xaalad Siyaasadeed oo kacsan ay ka dhex jirto Xildhibaanada iyo Golaha Wasiirada.