Madaxwayne Xaaf”Awooddaha wa la qaybiyay waa ku waygii!

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducalle Geelle Xaaf oo Hadal ka jeediyay Munaasabaddii ay Heshiiska ku saxiideen Galmudug iyo Ahlsunna ayaa Midaynta Galmudug iyo Ahlusunna Guul ku tilmaamay.Madaxwayne Xaaf ayaa sheegay in Arintaani taagnayd 7dii-sano ee u danbaysay waxuuna u mahad celiyay Dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadatay arintaan Xaaf oo Hadalkiisa sii wata waxuu intaaas ku daray.

“Waxaa jira Dad is waydiinaya Awoodo la qaybiyay oo dhahaya Waxaa la qaybiyay Awoodihii Madaxwayne ku xigeenka iyo Wax yaabo kale hadaan Runta idiin Sheego Ninka Awoodihiisii Qaybiyay waa aniga waana ku Tabarucay si Maamuladaani isku raacaan ee Majirto Cid kale oo Awoodeedii la bixiyay”

“Waxaan kursiga ugu sareeya ee Galmudug jooga Lix-bilood iyo Sadex Cisho Sadex bil waan Ladnaa Sadexdii kalana Howshaan ayaan waday Shaqo kalena ma qaban waana guul usoo hoyatay Shacabka rer Galmudug” ayuu yiri Madaxwaynaha Galmudug.

Kadib heshiiskaan ay wada gaareen Galmudug iyo Ahlsunna. Galmudug ayaa noqonaysa Maaamulkii ugu horeeyay ee Ray’iisul Wasaare yeesha Shiikh Shaakir ayaana noqday Wasiirka Koobaad ee Galmudug waxuuna yeelanayaa Awoodihii Madaxwayne ku xigeenka iyo qaar kamida kuwa Madaxwayne Xaaf oo kale.