Jawaari iyo Xidig oo ku guuleystay xubnimada Barlamaanka cusub 2016

Wararka Maanta

Doorashada xildhibaanada aqalka hoose Barlamaanka Soomaaliya ayaa saaka si rasmi ah uga bilaabatay Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo, waxaana kursiga 1-aad ee Magaalada Baydhabo waxaa ku guuleystay Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo helay 45 cod, halka Musharixii kale ee la tartamayey C/raxmaan Sheekh Ibraahim uu helay 5 cod.

xidig-iyo-jawaari

Dhanka Magaalada Kismaayo ku Cabdirashiir M. Xidig ayaa ku guuleystay 37 cod kursiga beesha Muqaabul Ogaden aqalka hoose, Jawaari iyo Xidig ayaa la sheegayaa in ay u sharaxan yihiin jaga gudoomiyaha Barlamaanka cusub, waxaana kala wata Siyaasiyiin u sharax jagada Madaxweynanimada Soomaaliya.

Guuleysashada Jawaari iyo Xidig ayaa ka dhigan in ay ka gudbeen caqabadii koowaad ee ka hor istaagi kartay in ay isku soo sharaxaan Gudoomiyaha Barlamaanka cusub.

Comments are closed.