Xildhibaan Mahad Salaad oo Xarig jaray 2 Ceel Riig (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaan Mahad Salad Ayaa Maanta 28 April 2019 Furay 2 Ceel Riig oo uu ka Hirgaliyey Deeganada Xodale iyo Oodaale oo hoostaga degmooyinka Guriceel iyo Balanbal, ceelashaan ayaa Dadka iyo Duunyaduba ku oon Beeleen. Qodista iyo Qalabeynta Ceelashan waxaa Gacan Balaaran ka Geystay Hey’addo Samafal.

Xildhibaan Mahad oo dhawaan soo gaaray degmada Guriceel gobolka Galgaduud ayaa in muddo ah ka maqnaa deegaanka, wuxuuna ka mid yahay xildhibaanada fara ku tiriska ah ee mashariic baahi loo qabay ka hirgaliyey deegaanada Galmudug.

Xildhibaanka  ayaa sidoo kale Maalmaha Soo socda Xariga ka Jari doona Mashaariic kale oo u badan ceelal Biyood laga Qodey Deegaano hoostaga dhuusamareeb caasimadda Galmudug.

Xildhibaanada iyo senatorada laga doortay Galmudug oo gaaraya 44 mudane, ayaa intooda badan aysan dib ugu laaban deegaanada laga soo doortay, waxayna waqtiga fasaxa ku qaataan wadamada Dibadda, gaar ahaan Kenya iyo Turkey.