Cadaado: Dahabshiil Group oo Deeq gaarsiiyey 200 Qoys (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Deeq ay bixisay shirkadda Dahabshiil Group ayaa maanta la gaarsiiyey qoysas ku nool magaalada Cadaado, deeqdan oo loo wakiishay guddiga abaarahada degmada Cadaado ayaa la waxaa ka faa’iideystay 200 qoys.

Xarunta kafaalo ayaa lagu qeybiyey deeqdaan, waxaana maalmahaan dambe dadaal badan wadan guddiga gurmadaka abaaraha degmada Cadaado, iyagoo qeylo dhaan gaarsiiyey shirkada iyo bulshada ku dhaqan Cadaado.

Shirkadaha ganacsiga ayaa safka hore kaga jira deeq bixinta abaaraha, waxaana gaabis ah deeqda ay bixiyaan hay’adaha, kuwaas oo ka soo jawaabo baaqyada abaaraha xilli dambe.

FB_IMG_1489664622653 FB_IMG_1489664626251 FB_IMG_1489664632705 FB_IMG_1489664645055 FB_IMG_1489664647779 FB_IMG_1489664654998