Xiisad ka dhalatay Darbiga Kenya ee Xadka Somalia oo ka taagan Balad-xaawo

Wararka Maanta

Maamulka Gobolka Gedo, ayaa Dowladda Somaliya ugu baaqay inay wax ka qabato xiisadda xilligan ka taagan Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Xiisadan, ayaa Jimcihii ku soo korortay Baled Xaawo, ka dib markii darbiga Kenya ka wado xuduuda labada dal ay gudaha u soo gelisay qaar ka mid ah xaafadaha degmadaasi, taasoo ay ka horyimaadeen dadka deegaanka.

Cismaan Nuux Xaaji, Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Gedo oo marka hore ka sheekeeyay waxa ay salka ku hayso xiisadan, ayaa sheegay in Kenya uu damac ka soo galay dhulka Somaliya.

Gudoomiye Kuxigeenka, ayaa yiri “Muddooyinkanba waxay Kenya waday darbi ay ka dhiseysay xadka labada dal. Dhulka ay darbiga ka dhiseyso waxaa la rabay inay ku ekeyso dhulkeeda, sidii maysan samaynin ee waxay samaysay inay gudaha u soo gasho qaybo ka mid ah Degmada Beled Xaawo, ayadoo dhulkeeda ku darsaneysa.”

Waxa uu intaa ku daray “Taas waxay keentay inay ka kacaan shacabka Baled Xaawo, shalayna waxay bilaabeen inay dhegxaan kula dagaalamaan Ciidamada Kenya.”

 

Cismaan Nuux Xaaji oo la hadlay Warbaahinta, ayaa yiri “Arrintan arrin la sahalsan karo maaha, lamana rabo in laga aamuso ee waxaa la rabaa dowlad iyo shacaba in laga wada dhiidhiyo.”

Xaaji, ayaa yiri “Waxaan leeyahay Madaxda Qaranka waxa la rabo in la qaato waa dhulkiina, waa inaad guddi xaqiiqo raadin ah u soo dirtaan Baled Xaawo, oo warbixin idinkaga keena waxa ay runtu tahay.”