Xiisad colaadeed oo saakay kasoo cusboonaatay G.sanaag

Wararka Maanta

xiisad dagaal ayaa saakay laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Sanaag taas oo u dhaxeeysa Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland, iyada oo badi dadka ku nool Gobolkaasi ay cabsi soo wajahday.

Xiisada ayaa waxaa ay sigaar ah uga taagan tahay Magalada Badhan iyo deegaanada hoostaga, sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan Magalada Baran oo dhawaan gashay Gacanta Maamulka Puntland.

Taliyihii Ciidamada Soomaaliland ee Magalada Baran Guray Cismaan Saalax iyo Maamulkii degmadaas ayaa dhawaan waxaa ay ku biireen Maamulka Puntland,waxaana la sheegay inay taasi keentay xiisad Cuusb oo ka dhex-dhalatay labada Maamul.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Soomaaliland ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa la sheegay inay gaareen duleedka Magalada Baran,halkaas oo ay horay Saldhigyo ugu lahaayeen Ciidamada Soomaaliland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa Todobaad ka hor waxaa uu sheegay in Soomaaliland uu wada-hadallo kala galaya dhulka ay ku mursan yihiim,sidoo kalena Soomaaliland dhankeeda ay sheegtay inay diyaar uy tahay wada-hadalladaas.