Bisha soocota oo lafuridoono Saldhiga ciidamada turkiga Ee muqdisho

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa sheegay in bisha soo socota ee September si rasmi ah loo furi doono xerada Ciidamada ee Turkiga uu ka dhistay magaalada Muqdisho, halkaasi oo iminkaba lagu sii xareeyay Dhalinyaro ka mid noqonaya Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

C/rashiid C/laahi Maxamed Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay qorshaha in uu yahay xeradaasi in lagu tababaro Ciidamo ka mid noqonaya xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Millitariga.

Wuxuu sheegay in ay jiraan Dhalinyaro kala duwan oo u heelan in ay ka mid noqdaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan difaaca dalka.

“Akademiyada cusub ee Turkiga uu ka dhisay magaalada Muqdisho ayaa la furi doonaa Bisha soo socota ee September, xulista Dhalinyarada ka mid noqoneysa Ciidanka xoogga dalka ayaa hada socda, Dhalinyaradu waa muhiim in ay ka mid noqdaan Ciidamada xoogga dalka, Booliska iyo lamaha kale ee amniga”. Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxaa jira Dhalinyaro kala duwan oo qaarkood Dugsiga sare iyo qaar Jaamacadaha ka soo baxay ay ku biirayaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waxaana xerada weyn ee Turkiga uu ka dhisay magaalada Muqdisho ay noqon doontaa xerada Tababarka Ciidamada, oo dhowaan Ciidanka tababarkooda lagu bilaabi doono.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ku aadan sidii guud ahaan amniga dalka ay ula wareegi laheyd, maadaama la qorsheynayo in Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM dalka ay ka baxaan.