Ahlu sunno oo xukun ku riday 4 Nin

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maxkamadda Ciidamada  Maamulka Ahlu Sunna ayaa xukuno ku riday 4 nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Dadkaan xukunnada lagu riday ayaa Ciidamada maamulka Ahlusunna waxa ay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Magaalooyinka Guraceel iyo Dhuusamareeb.

Afhayeenka Ciidamada Maamulka Ahlu sunno C/nuur Maxamed Xuseen oo warbaainta la hadlay ayaa xaqiijiyay in dadkaasi xukuno lagu riday.

Magacyadda dadka la xukumay ayaa kala ah:

1. C/qaadir Barre Xaashi Faarax 26 jir, laba sano oo xabsi ah
2. C/raxmaan Diiriye Cabdulle Dhiblaawe 27 jir, laba sano oo xabsi ah
3. Xasan Cabdi Xaashi Carab 29 jir, laba sano oo xabsi ah
4. C/xafiid Xasan Muxamed Beyle 31 jir, laba sano oo xabsi ah

Maamulka Ahlu sunno ayaa ka taliya degmooyinka Dhusamareb, Guriceel iyo Matabaan.