Xasan sheekh Maxamuud oo Baladweyne ku wajahan

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa maanta ku wajahan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo magaalada laga dareemayo qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.

Wafdiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Xisbigiisa, waxaa socdaalkiisa Beledweyne uga sii gudbi doonaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee dhisma, intii uu talada dalka hayay.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu dhowr cisho ku sugnaado magaalada Beledweyne, waxaa uu la kulmi doonaa Odayaasha dhaqanka, gaar ahaan Ugaaska Beesha Xawaadle Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa oday dhaqameedyadii sida weyn uga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hirshabeelle.