NISA oo howlgal hub lagu furtay ka fulisay Shabeellaha Hoose

Wararka Maanta

Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay Hub ay leeyihiin Al-Shabaab ka dib markii ay howlgal ka fuliyeen degaanka Forsooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War kasoo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay Ciidanka Burburiyeen goobo Al-Shabaab ay dadka uga qaadi jireen Zakawaad.

Howlgalkaan ayaa waxaa daba socday duqeyn lala eegtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Shabeellaha Hoose.

NISA@HSNQ_NISA

CIIDANKA AMNIGA OO 2-DA BISHAAN HOWLGAL QORSHEYSAN KA FULIYAY GOOBO KA MID AH TUULADA FORSOOLEEY, AYAA HUB KUSOO FURTAY, LABA GOOBOOD OO AS DADKA ZAKAWAT UGA QAADI JIREENNA KU BURBURIYAY. HOWLGALKA WAXAA DABA SOCDAY LABA DUQAYN OO AS LOOGA DILAY ILAA 40 XUBNOOD.

985:56 PM – Feb 4, 2019Twitter Ads info and privacy38 people are talking about this