Xareed oo xilkii laga qaaday iyo Gudiga doorashada Madaxweynaha oo la magacaabay (Video)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Barlamaanka Galmudug oo fadhi ku yeeshay xarunta kafaalo magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Fadhigan ayaa waxaa xaadir ahaa 48 xildhibaan, waxaana dood kadib cod kalsoonida loo qaaday Xareed Cali Xareed Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka Galmudug oo 30 xildhibaan Mooshin kasoo gudbiyeen.

48 xildhibaan ayaa u codeysay xil ka qaadista Xareed Cali, mana jirin cid ka aamustay ama diiday. dhanka Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal ayaa magacaabay 14 Xubnood oo ah guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug. Waxaana ansixiyey barlamaanka Galmudug.

Halkaan ka daawo Video.