Xaafow inaad Xamar Xarafsato laguuma Xulan

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 23 May 2017, waxaa 20 cisho laga joogaa xiligii la doortay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxay aheyd 5 May markuu madaxweynuhu aaday safarkiisii ugu horeyey, waa dhab inuu ahaa safar muhiim ah.

Balse waxaa muuqata in uu qaatay waqti ka badan intii ku habooneyd, waxaa sidoo kale dhowr jeer dib u dhacay caleemasaarka Madaxweyne Xaaf, 27 bishaan ayaa lagu madlan yahay inay dhacdo xaflada caleemasaarka.

Madaxweynaha oo la filay inuu goor hore uu Cadaado iska soo xaadiriyo ayaa safarkiisa dib u dhacay dhowr jeer, 26 bishaan oo ku aadan maalinta Khamiista ayaa la filayaa inuu yimaado.

Dhan kale Mudada dastuurku u ogol yahay inuu madaxweyne Geelle kusoo magacaabo golaha wasiirada oo ah 30 cisho, waxaa ka harsan 10 maalmood, wali waxaa cakiran shaqadii maamulka, muddo 5 bilood ah ayey Galmudug ku jirtay Qalqal siyaasadeed, wali lama dhayin boogihii, isbaarooyin ayaa yaala goobaha qaar, ciidamadu waxay u baahan yihiin dib u habeyn, cid waliba waxay ku madlan tahay imaanshaha madaxweynaha oo haysta laba sano kaliya.

Waqtigu waa isgurayaa, Balse su’aasha taala ayaa ah, Madaxweynuhu ma la socdaa in howsha sugeysa iyo waqtigu kala badan yihiin?

Gabagabadii Xaafoow ka xeelayso wadadii Guuleed eersaday, ee aheyd inuu Xamar iska xarafsado. Dad iyo deegaan howl u baahan ayaa ku sugaya, HADAL YAR IYO HOWL BADAN DHAQSAA LAGU HORMARAYAA.

W/Q: Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Ceelhuur Online